DHAGEYSO:William Ruto oo ololihiisa geeyay Kajiado

0
682

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay deegaanka Ongata Rongai ee ismaamulka Kajiado.
Waxaa uu dadweynaha halkaasi ku nool ka codsaday inay taageeraan qorshihiisa siyaasadeed ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka laga soo billaabo meel hoose iyadoo garab loo muujinaya danyarta, ganacsatada yaryar iyo dhallinyarada shaqo la’aanta ah.
Waxaa uu mar kale dhaliilay iskudayga ku aaddan in la beddelo dastuurka wadanka.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in loolanka madaxtinimo ee 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan uu u dhexeeya sida uu hadalka u dhigay musharraxiin dadka u shaqeynaya iyo kuwo maalqabeeno u daneynaya.
Waxaa uu xusay in hadii uu hoggaanka wadanka ku guulaysto, maamulkiisa uu ilaa 100 bilyan oo shilin u qoondeyn doono wanaajinta nolosha dhallinyarada shaqo la’aanta ah.