Madaxweynaha dalka oo baarlamaanka ku amaanay ansaxinta hindisaha siyaasadeed

0
406

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xubnaha baarlamaanka ku boogaadiyay tallaabadii ay ku ansaxiyeen hindise sharciyeedka ku saabsan isbeddellada lagu sameeyay xeerarka siyaasadeed ee wadanka.
Kulanka waxaa ka qayb galay siyaasiyiinta taageersan heshiiskii sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweynaha iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Mr. Kenyatta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in aqalka sare uu meel marin doono hindisaha uga soo gudbay golaha qaran ee xeer dejinta.
Maalmaha Talaadada iyo Arbacada ee toddobaadka soo socdo ayaa lagu wadaa in guddiga baarlamaanka ee arrimaha sharciga , cadaaladda iyo xuquuqul aadanaha uu diiwaangeliyo aragtida dadweynaha ee ku aaddan qodobbada laga beddelay xeerarka lagu maamulo xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.
Madaxweyne Kenyatta ayaa xusay inay jiraan shakhsiyaad isbeddelladan u arko kuwo aan wanaagsanayn balse ay yihiin kuwo ay dani ugu jirto wadanka.
Madaxweynaha waxaa uu siyaasiyiinta ku boorriyay inay ka wada shaqeeyaan wanaajinta nolosha kenyaanka.
Waxaa uu ku celceliyay inuu sii wadayo la macaamilka dhammaan madaxda isagoo aan eegeyn aragtidooda siyaasadeed si uu u xaqiijiyo in wadanka ay ka jirto midnimo buuxda.
Madaxweynaha oo arrimahan kaga hadlay kulan uu ku qabtay madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ayaa mas’uuliyiinta ugu baaqay inay sameeyaan olole nabad ah ka hor doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday ansaxintii baarlamaanka ee hindise sharciyeedka caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF oo uu xusay inay dowladda u suurtagelinayo oofinta ballanqaadkii ahaa in kenyaanka ay helayaan adeegyo guud oo caafimaad kuwaasoo tayo leh.
Marka laga soo tago xildhibaanada waxaa kulanka maanta ka qayb galay hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golaha xeer dejinta Amos Kimunya, dhigiisa aqalka sare Samuel Poghisio iyo guddoomiye ku xigeenka senate-ka Prof. Margaret Kamar
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay inaysan khalad ahayn in lagu kala aragti duwanaado arrimaha sharciga balse ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo danta qaranka.