Ugu yaraan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC ka dib markii doon sidday ay qalibmatay.
Sarkaal dowladeed ayaa laga soo xigtay in boqolaal qof oo kale weli la la’yahay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay galbeedka Congo.
Wasiirka arrimaha baniaadanimada ee wadankaas Steve Mbikayi, ayaa sheegay in ugu yaraan 700 oo qof ay doonta saarnayeen.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in doonta ay degto bishii hore ayayna ahayd markii ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen doon kula degtay harada Kivu.