Dowladda oo tixgelin gaar siin doonto sixidda imtixaanaadka shahaadiga ee ardayda goobaha amni darrada saameysay ee dalka

0
692

Iyadoo ardayda u fadhiisanaya imtixaanaadka shahaadiga ee KCPE iyo KCSE ee muddo 6 toddobaad ka dib sameyn doonaan imtixaanaadkaasi, ayaa wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha sheegay in ay tixgelin gaar ah siin doonaan ardayda wax ka barata goobaha ay amni darrada saameysay ee wadanka marka imtixaanaadkooda la saxayo.
Wasiirka ayaa xusay in xaalado amni darro ay ka jirto qayb ka mid ah ismaamullada dalka.
Waxaa uu intaa ku daray in wasaaradda arrimaha gudaha ay kala shaqeynayaan sidii loo xakameyn lahaa xaalad amni darro ee dowlad deegaanka Lamu.
Dhanka kale Prof. George Magoha ayaa raja ka muujiyay in fasallada cusub ee loogu tala galay hirgelinta manhajka waxbarashada ee CBC ay diyaar noqon doonaan bisha Saddexaad ee sanadkan 2022-ka.