DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo dalkooda dib ugu soo celisay muwaadiniin Libya ku dhibaateysnaa

0
637

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Somaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu gaaraysay 97 kuwaasoo ku Dhibaataysnaa dalka Libya markii hore ay qaab tahriib ah ku galeen balse hadda dib loogu soo celiyay wadankooda Hooyo ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in markii madaxweynaha Soomaaliya uu dalka Turkiga Tegay oo halkaasi kaga qayb galay meertada Saddexaad ee Afrika iyo Turkiga uu hoggaamiyaha dalka Libiya la kulmay ayna ku heshiiyeen in arrintaas si degdeg ah loo dardargaliyo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inay qaybtaan tahay kuwii ugu horreeyay ee dalka lagu soo celiyo, sidoo kalena ay wadaan qorsheyaal dib wadanka loo keenayo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkooda isaga cararay dhibaatooyin jiray awgood, balse dhib kale oo ka sii badan kala kulmay qaar ka mid ah meelihii ay tageen.

Dhanka kale Qaar ka mid ah Muwaadiniintii Soomaliyeed ee laga soo Celiyay Dalka Libya ayaa ka hadlay Dareenkooda iyo dhibaatooyinkii ay halkaas kala kulmeen.