Madaxa LSK oo baaq ka soo saaray la tacaalidda hadallada naceybka ku saleysan

0
340

Madaxa ururka qareenada dalka ee LSK Nelson Havi ayaa agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji kula taliyay inuu iska ilaaliyo ka tallaabsashada xeerarka wadanka u degsan xilliga uu ka falcelinayo hadallada keeni karo kicin dadweyne.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan agaasimaha dacwad oogidda wadanka uu amray in baaritaano lagu sameeyo hadallo la qoonsaday oo ay goobo fagaaro ah ka jeediyeen saddex ka mid ah siyaasiyiinta wadanka.
Madaxdan ayaa kala ah senatarka Meru Mithika Linturi, dhigiisa Kericho Aaron Cheruiyot iyo xildhibaanka deegaanka koonfurta Kitutu Chache Richard Onyonka .
Nelson Havi ayaa dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uga mahadceliyay inuu raaligelin ka bixiyay hadalkii Mithika Linturi oo ay shalay maxkamadda Nakuru ku siidaysay damiin lacageed oo dhan 2 milyan oo shilin.
Madaxa ururka qareenada wadanka ayaa xusay inay agaasimaha waaxda dacwad oogidda ku bogaadinayaan dadaallada uu wado ee ka dhanka ah waxyaabaha wadanka u horseedi karo rabshado ka hor doorashada guud ee sanadkan.
Hasa ahaate Nelson Havi ayaa ku celceliyay in Nuurdiin Xaaji iyo hay’adaha kale ee dambi baarista laga doonayo inay xeerarka dastuuriga ah u fuliyaan si siman iyadoo aan loo arkin in hal dhinac oo siyaasadeed la bartilmaameedsanayo.