Wararka naga soo gaaraya bariga dalka Congo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar koox isku tilmaanta islaamiyiin ay ku dileen 16 qof.
13 ka mid ah dadkan ayaa shacab ah halka saddexda kale ay saraakiil amni yihiin.
Sidoo kale waxaa weerarka oo laga gaystay tuulo ku taalla gobolka Ituri dab lagu qabadsiiyay kaniisad sida laga soo xigtay ciidamada militariga iyo koox u ololeysa xuquuqul aadanaha.
Dhacdooyinkan ayaa laga soo tabiyay tuulada Ndalya oo masaafo dhan 100 kiilomitir dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Bunia.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in kooxda weerarkan gaysatay ay sanadkii hore dishay 850 qof.