Qaramada midoobay oo ka shireysa xaaladda Suudaan

0
896

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay inay gudaha dalka Suudaan ku qaban doonto wada hadallo looga gol-leeyahay in looga arrinsado xaaladaha isa soo taraya ee wadankaasi.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu is casilay ra’iisul wasaare Cabdalla Xamdook.
Waxay tani timid iyadoo uunan weli wadankaasi ka soo kaban saameyntii ka soo gaartay afgembigii militari ee 25-kii Oktoobar ee sanadkii hore.