Fatuma Geedi iyo xildhibaanka Kiharu oo laga mamnuucay inay soo xaadiraan kal-fadhiyada baarlamaanka

0
908

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kiharu ee ismaamulka Muranga Ndindi Nyoro iyo wakiilka haweenka ee dowlad deegaanka Wajeer Fatuma Geedi Cali ayaa maalmo laga mamnuucay inay soo xaadiraan kal-fadhiyada golaha qaran ee xeer dejinta dalka.
Waxaa aqalka baarlamaanka looga joojiyay sababo la xariira arrin aan la caddaynin oo buuq ka dhalisay golaha baarlamaanka.
Tani ayaa kusoo aaday iyadoo ay socotay dood ku saabsaneyd hindise sharciyeedka wax ka beddelka xisbiyada siyaasadeed.
Mr.Nyoro ayaa baarlamaanka laga joojiyay ka dib markii uu ku andacooday in wakiilka haweenka ee Wajeer Fatuma Geedi ay lacago laaluusha ah siineysay qaar ka mid ah mudanayaasha aqalka baarlamaanka si ay u ansaxiyaan isbeddel lagu sameeyay xeerarka u degsan maareynta xisbiyada siyaasadeed ee wadanka..
Tani oo uunan caddeynin mudanaha deegaanka Kiharu ayaa keentay in xildhibaanka laga mamnuuco baarlamaanka.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Geedi ayaa dhankeeda ku andacootay in xubnaha baarlamaanka ay u qaybineysay nacnac qori (lollipops) ka dib markii ay sheegtay in tamartooda iyo heerka sokortooda ay hoos u dhacday.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kiharu ayaa kal-fadhiyada baarlamaanka laga mamnuucay laba jeer halka wakiilka haweenka ismaamulka Wajeer ay ka maqnaan doonto hal kal-fadhi.