Dowladda dhexe ee Kenya ayaa bandow 30 cisho ah ku soo rogtay goobaha ay saameeyeen falalka amni darro ee ismaamulka Lamu.
Bandowga ayaa bilaabanaya xilliga maqribnimo ilaa subixi.
Baayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa lagu sheegay in bandowga lagu soo rogay qaybo ka mid dowlad deegaanka Lamu ay daba socoto weerarro argagaxiso oo dhawaan laga soo tabiyay deegaanno qaar oo hoostaga ismaamulkasi.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in amarkan uu ku dhaqangeli doono goobaha ay dhibaatadu saameysay.
Waxaa uu intaasi ku daray, iyadoo la raacayo qodobka 106 (1) ee sharciga adeegga booliska qaranka ee la ansaxiyay sanadkii 2011, uu golaha amniga qaranka ku dhawaaqay in qaybo ka mid ah ismaamulka Lamu ay qalalaase ka jiraan.
Degaanada hoos yimaada galbeedka ismamaulka Lamu ee uu bandowga saameyn doono ayaa kala ah ah: Mukunumbi, Majembeni, Ndamwe, Mkunumbi, Witu,Pandanguo, Binde Warinde, Witu, Hamasi iyo goobo kale.
Mr. Matiang’i ayaa shaaca ka qaaday in talaabooyinkan ay daba socdaan burburinta hantida iyo barakicinta dadweynaha ee goobaha falalka amni darrada laga soo tabiyay.
Si loo xakameeyo amni darrada saameysay meelaha qaar ee ismaamulka Lamu, ayuu wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i uu amar ku bixiyay in dowlad deegaankaasi la geeyo ciidamada ammaanka si ay u xoojiyaan amniga ismaamulkaasi iyo in la hubiyo in dhammaan hubka sharci darrada ah gacanta lagu soo dhigo.
Dr. Fred Matiangi’I ayaa ka codsaday dadka deegaanka in ay digtoonaadaan oo ay ka caawiyaan laamaha ammaanka wax kasta oo fal dambiyeed ah oo ka dhaca ismaamulkaasi.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo ciidamada booliska ee ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ay gacanta ku dhigeen 9 eedeysanayaal oo lala xiriirinayo weerar labadii cisho ee ugu dambeysay ka dhacay dowlad deegaankaasi.
Falkaasi oo ay fulisay maleeshiyo looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay 6 qof.