Puntland oo billowday baaritaan ku aadan nin Oksijiin loo diiday oo geeriyooday

0
378

Ka dib markii Baraha Bulshada lagu faafiyay in mid ka mid ah Injineerada Shirkadda Nuwaco uu u geeriyooday qalabka neef caawiyaha ee Oksijiin oo loo diiday in lagu xiro xilli lagu dabiibayay isbitaalka guud ee Garoowe ayaa waxaa warkaasi ka jawaabtay Wasaaradda Caafimaadka ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu yiri.
“Qoraalka Hoos ku xusan haddii sida ay uqorantahay ay jirto, wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland waxay si degdeg uga howlgeli doontaa baaritaankeeda waxayna usaari doontaa guddi heerkiisu sarreeyo oo xog dhamaystiran ka keena, warbixinta iyo baaritaanka guddigu sameeya waxay la wadaagi doontaa bulshada Puntland waxayna ugudbin doontaa laamaha ku shaqada leh”
“Marna wasaaradda caafimaadka ma aqbali doonto in muwaadin xaalad caafimaad u yimid mid kamid ah xarumaha Dowliga ah in si dayac ah ama mas’uuliyad darro ah uu ugu dhinto ama u waayo adeeg uu u baahnaa.
Injineerka ku geeriyooday Isbitaalka Magaalada Garoowe ayaa la sheegay in uu qabay Cudurka COVID-19, waxaana Amiir Saquuni oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Garoowe uu sheegay in lagu xujeeyay Injineerka in uu bixiyo lacag dhan $40 Dollar, balse qoyskiisa xilligaas aysan hayn, sidaasina loogu diiday Oksijiinka.