Maraykanka oo cambaareeyay weerar lagu dilay ciidamada Turkiga

0
597

Dowladda Maraykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerar shalay lagu dilay saddex ka mid ah ciidamada militariga ee dalka Turkiga iyo 13 qof oo shacab ah oo la dilay ka dib afduub loo gaystay.
Kooxda Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq ayaa lagu eedeyay in ay falalkan ka dambeysay.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo wasaaradda difaaca ee Turkiga ay sheegtay in howlgalka ay kaga dhinteen saddexda askari ay sidoo kale ku dileen 48 ka mid ahaa maleeshiyaadka kurdiyiinta PKK.