8.5 milyan oo maaskaro ah oo loo qaybinaya dugsiyada

0
570

Maamulka qaabilsan soo iibinta agabka caafimaadka ee (KEMSA) ayaa hadda gaba gabeynaya qorsho la doonayo in ardayda dugsiyada dalka dhigata loo qaybiyo afxir dhan 8.5 milyan oo in ka badan hal mar la isticmaali karo.
Maamulkan ayaa shaaciyay in afxirka la geyn doono goobaha waxbarashada ee ku yaalla 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay.
Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee KEMSA Edward Njoroge ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa corona si loo badbaadiyo nolosha ardayda.
Dowladda dhexe ayaa horay u ballanqaaday in mudnaanta koowaad la siinaya badbaadinta nolosha ardayda iyo macallimiinta .