Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu si buuxda u dhaqan gelin doono dhammaan waxyaabihii uu shacabka u ballanqaaday xilligii ololaha doorashada.
Ruto ayaa sheegay in geeddisocodka sharci beddelka ee BBI uu hakad geliyay habsami u socodkii mashaariicda horumarineed sida sare u qaadidda wax soo saarka, adeegyada guriyeynta , la tacaalidda cunno yarida iyo caafimaadka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa tusaale u soo qaatay mashaariicda dhanka kaabayaasha waddooyinka , tamarta iyo barnaamijyada waxbarashada oo uu xusay in la wanaajiyay tan iyo sanadkii 2013-kii .
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu maanta ku sugnaa deegaan baarlamaneedka Kinangop ee ismaamulka Nyandarua .
William Ruto ayaa sidoo kale xusay in marnaba aynan diyaar u ahayn in shacabka la isku qabadsiiyo qaab qabyaalad ku saleysan.