Ciidamada booliska ee ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen shan eedeysanayaal oo lala xiriirinayo weerar habeenimadii Axadda ka dhacay dowlad deegaankaasi.
Falkaasi oo ay fulisay maleeshiyo looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay 6 qof.
Afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Mr. Bruno Shioso ayaa xaqiijiyay xarigga tuhmanayaasha oo uu tilmaamay in hadda baaritaano dheeraad ah lagu hayo.
Booliska ayaa sidoo kale wado baaritaano ay ku hubinayaan in weerarkii Lamu uu salka ku hayay muran dhanka dhulka ah.
Mr. Shioso ayaa intaasi ku daray in weerar kale xalay laga gaystay aagga Hindi ee Lamu halkaasoo hal qof lagu dilay.
Guddoomiyaha guddiga qaran ee adeegga booliska Eliud Kinuthia ayaa magaca qofka weerarka ku nafwaayay ku sheegay John Moji.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid si gaar ah u sheegatay mas’uuliyadda falalkan oo uu cambaareeyay barasaabka ismaamulka Lamu Fahim Twaha.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata ayaa dadweynaha Lamu u xaqiijiyay in amniga si wayn loo sugayo iyadoo tallaabo sharciyeed laga qaadayo dhammaan shakhsiyaadkii ka dambeeyay weerarrada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay suurtagal tahay in dhacdooyinkan ay la xiriiraan khilaaf duleed balse ay socdaan baaritaano dheeraad ah.
Dadweynaha ayuu ka codsaday inay saraakiisha ammaanka ku soo wargeliyaan falalka wax u dhimi karo xasiloonida.