Booliska Murang’a oo toogtay nin loo haysto faraxumeyn oo isku dayay inuu baxsado

0
426

Ciidamada booliska ee magaalada Maragua oo ka tirsan ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka ayaa lagu soo warramayaa inay toogteen eedeysane 22 sano jir ah oo loo haysto falal faraxumeyn ah.
Waxaa lagu magacaabaa Andrew Ngugi Wairimu in kastoo loo yaqaano Makai.
Tuhmanaha ayaa lala xiriiriyay ku lug lahaanshaha kufsi wadareed iyo labo dacwadood oo faraxumeyn ah kuwaasoo hor yaalla maxkamadda Kigumo .
3-dii bishii Afaraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii eedeysanaha la soo taagay maxkamadda Kigumo iyadoo si ku meel gaar ah loogu hayay saldhigga booliska ee Maragua oo uu ka baxsaday ka hor inta aan la soo qaban.
Shalay ayay ahayd markii la qabtay isagoo baxsad ah.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in saraakiisha ay eedeysanaha ka soo qabteen xadka magaalada Maragua ka dib markii lagu wargeliyay halka uu ku sugan yahay.
Hasa ahaate waxaa uu iska dhaga tiray amar ahaa inuu ciidamada ammaanka isku dhiibo isagoo iskudayay inuu cararo taasoo keentay in laga toogto qaarka dambe ee bidix.
DCI ayaa intaasi ku dartay in Makai hadda lagu daweeynaya isbitaalka magaalada Maragua oo aynan xaaladiisa caafimaad liidan.
Waxaa loo xilsaaray askari si gaar ah ula soconaya dhaqdhaqaaqiisa si uunan mar kale u baxsan.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in marka isbitaalka laga saaro , sida ugu dhakhsiyaha badan maxkamadda loo soo taagi doono eedeysanaha.
Dhanka kale warbaahinta Nation ee gudaha dalka ayaa ku warramaysa in Makai uu geeriyooday isagoo la dabiibaya waxaana meydkiisa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Maragua si qalliin baaritaan ah loogu sameeyo.