DHAGEYSO:William Ruto oo kenyaanka uga digay inay doortaan musharraxiin loo far fiiqay

0
392

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa codbixiyeyaasha wadanka u jeediyay digniin la xiriirta doorashada guud ee sanadkan 2022-ka.
Waxaa uu dadweynaha kula taliyay inaynan dooran siyaasiyiin sida uu ku doodaya loo far fiiqayo.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa ku celceliyay in musharrax kasta la doonayo in xil hoggaan loo dhiibo iyadoo la qiimeynaya waxqabadkiisa.

William Ruto ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Trans Nzoia isagoo dadweynaha halkaasi ku nool ka codsaday inay taageeraan qorshihiisa siyaasadeed ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyadoo si gaar ah loo garab qabanaya danyarta, ganacsatada yaryar iyo dhallinyarada shaqo la’aanta ah.
Socdaalka Ruto uu ku marayo ismaamullada galbeedka wadanka ayaa ku soo beegmaya ka dib markii dhawaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta dowlad deegaanadaasi ay sheegeen in bisha siddeedaad ee sanadkan ay taageeri doonaan musharraxnimada madaxweynenimo ee hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.