DHAGEYSO:Dugsiyada dalka oo maanta dib loo furaya

0
328

Waxaa maanta dib loo furayaa goobaha waxbarashada ee wadanka ka dib fasax ay in muddo ah ku jireen ardayda iyo macallimiinta.
Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa billaabanaya xilli dugsiyeedka saddexaad iyadoo qaar ka mid ah waalidiinta ay cabasho ka muujinayaan culeys ka haysta dhanka bixinta qarashaadka tacliinta iyo qiimaha nooliga lagu raaco baabuurta ee la kordhiyay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee Kenya Prof. George Magoha uu maamulayaasha ku amray in aynan ardayda soo eryin si ay u bixiyaan qarashaadka waxbarashada ka hor inta aysan xaqiijin awoodda dhaqaale ee waalidka.
In kastoo qaar ka mid ah dugsiyada shalay dib loo furay , ardayda badankooda ayaa maanta tagaya goobaha waxbarashada.
Dugsiyada dalka ayaa la xiray horraantii bishii hore ee Diseembar waxaana mar kale la xiri doonaa 4-ta bisha saddexaad ee sanadkan.
Ardayda ayaa casharro qaadan doono ilaa sagaal isbuuc si loo dhameystiro sanad dugsiyeedkii 2021-ka.
Sanadkan 2022-ka ayaa ka kooban ilaa afar xilli dugsiyeed waxaana qayb ka ah imtixaannada qaran ee KCPE-da iyo KCSE-da oo ay ardayda u fariisan doonaan bilaha saddexaad iyo afaraad.
In bisha ugu horreysa ee sanadka uu billowdo xilli dugsiyeedka saddexaad waxay qayb ka tahay saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay jadwal sanadeedkii howlaha tacliinta.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa horay u shaacisay in jadwalkii caadiga ahaa ee dugsiyada uu dib u soo noqon doono bisha koowaad ee sanadka 2023-ka.