SAWIRRO:Shirka golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

0
730

Waxaa hadda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka furmay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo uu guddoominaya ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble, sida lagu daabacay bogga xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Shirka ayaa diiradda lagu saaraya arrimo la xirriira amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.
Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ayaa dood adag ka yeelan doona caqabadaha haysta doorashooyinka, sidoo kalena warar soo baxayay ayaa sheegaya in dowlad Goboleedyada qaar ay doonayaan in hal degaan lagu soo koobo doorashada.
Shirkan u furmay Golaha wadatashiga Qaran ayaa kusoo aadaya xilli la soo gabagabeeyay doorashada Aqalka Sare, sidoo kale la doortay Xubno kamid ah Golaha Shacabka, doorashadaas oo dad badan ay cabasho xooggan ka keeneen.