Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa barayaal u diray goob shil laga soo tabiyay oo ay dad ku dhinteen.
Subaxnimadii hore ee shalay ayay ahayd markii la xaqiijiyay dhimashada 8 qof ka dib markii uu shil ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Webuye iyo Eldoret.
Bayaan uu maamulka NTSA soo saaray ayuu ku sheegay in koox farsamo oo ka kooban baarayaal, kormeerayaal iyo wakiilo ka socda adeegga booliska qaranka ee NPS loo diray goobta uu shilka ka dhacay si ay baaritaano u sameeyaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo ay rakaabkan saarnayeen uu ku dhacay mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo yaallay hareeraha waddada.
Ma jirto cid ka badbaaday shilka oo laga soo tabiyay aagga Musembe ee deegaan baarlamaneedka Lugari oo ka tirsan ismaamulka Kakamega kaasoo saameeyay gaariga ka soo ambabaxay Webuye .
Dadka shilka ku nafwaayay ayaa dib ugu soo laabanayay caasimadda wadanka ee Nairobi ka dib markii ay ciidda Christmas iyo sanadka cusub ugu soo dabbaal degeen dowlad deegaanka Bungoma.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Kakamega Xasan Barua oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in haatan baaritaanno socdaan.
Dhanka kale maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa ku boorriyay dhammaan wadayaasha baabuurta in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan, taxadaraan iyo in ay digtoonaadaan xilli dadweynaha ay kasoo laabanayaan fasaxa ciidda Christmas iyo sanadka cusub.