Faahfaahino dheeraad oo ka soo baxaya dabkii saameeyay baarlamaanka Koonfur Afrika

0
548

Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan dab ka kacay xarunta golaha xeer dejinta ee wadanka Koonfur Afrika ee magaalada Cape Town.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa xaqiijisay xarunta gubatay.
Waxaa ay beenisay warar horay u soo baxay oo tilmaamayay in goobta gubatay ay tahay dhismihii hore ee baarlamaanka.
Mapisa-Nqakula ayaa intaasi ku dartay in dhacdadan aynan wax saameyn ah ku yeelan doonin jeedinta khudbadda qaran ee bisha labaad ee sanadkan.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid ku wayeeloowday dabka oo la soo tabiyay.
Afhayeen u hadlay waaxda maareynta xaaladaha degdegga ee magaalada Cape Town ayaa sheegay inuu gubtay saqafka dhismahaasi iyadoo horay loo soo tabiyay dillaacyo lagu arkay dhismaha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabku uu goobta ka kacay abaare 5:30 aroornimo ee maanta.
Saraakiisha waaxda dab damiska ayaa laga soo xigtay inuu ahaa mid xooggan iyadoo uu qiiqa cirka isku shareeray.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in xarunta baarlamaanka ay gubato hasa ahaate waxaa la guda galay baaritaano xaqiiqo raadin ah.
Shabakadda wararka ee News24, ayaa qortay inay goobta gaareen 36 oo ah saraakiisha dab damiska waxayna codsadeen taageero dheeraad ah si ay u xakameeyaan dabka.