Wasiirka amniga Soomaaliya oo caddeeyay ciidanka NISA ee quseeyso amar uu soo saaray

0
483

Ka dib markii Wasiirka Wasaaradda Amniga ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya uu soo saaray Amar ku saabsan in Ciidanka NISA laga soo saaro Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Arrintan oo hadal heyn badan ka dhalatay ayuu faahfaahin ka bixiyay Wasiirka.
Wasiir Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isbeddelka la xiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde uu quseeya kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka howlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka).
“Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamad Nuur ayaa tan iyo markii la Magacaabay waxaa uu qaaday tallaabooyin dhowr ah, iyada oo badi aysan dhaqangelin, waxaana dad badan ay sheegeen in tallaabooyinkaas ay yihiin kuwo la xiriira Arrimo siyaasadeed.