Shakhsiyaad doonaya in wasiir Magoha lagula xisaabtamo go’aan uu ka qaatay laga roonayaasha

0
544

Qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee galbeedka dalka ayaa hadda doonaya in maxkamadda ay u yeerto wasiirka wasaaradda waxbarashada ee wadanka Prof. George Magoha.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan uu ka hadlay arrin la xiriirta ardayda isku jinsiga ee wax iska daya.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka waxbarashada uu sheegay in ardayda laga roonayaasha ah laga mamnuuco inay tagaan dugsiyada hooyga ah.
Prof. Magoha oo la hadlayay madaxda dugsiyada ku yaalla ismaamulka Kisumu ayaa faray in ardayda isku jinsiga ah ee is daneeya kaliya loo oggolaado dugsiyada maalinlaha.
Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa ku dooday in hadalka ka soo yeeray wasiirka waxbarashada uu yahay takoorid, islamarkaana ay doonayaan in sharciga uu wajaho.
Waxaa ay xuseen in dasturka dalka u dhigaya in xaaladda kasta oo uu qofka ku jiro aysan ahayn in lagu takooro.
Waxaa ay sheegeen in dhammaan kenyaanka oo ay ku jiraan carruurta ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay ku raaxaystaan xorriyaddooda.