Radio Muqdisho oo 30 sano ka dib maanta billaabay war ku baxaya luqadda afka Talyaaniga

0
352

Raadiyaha qaranka Soomaaliyeed ee Radio Muqdisho ayaa billaabay baahinta barnaamij ku baxaya afka Talyaaniga.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabdulaahi Xayir Ducaale oo barnaamijka daahfuray ayaa sheegay laga billaabo maanta inuu maalin walba uu barnaamijkaasi Talyaaniga uu ka bixi doono Radio Muqdisho.
Cabdullaahi ayaa sheegay barnaamijkan inuu ahaa mid ka bixi jiray Radio Muqdisho burburki ka hor oo hadda dib loo soo celiyey.
Barnaamijka Talyaaniga oo ku yimid heshiis isafgarad oo ay kala saxiixdeen wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka iyo safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.
Barnaamijka oo ay daadihin doonaan Cali Xuseen Yaasiin Koraado iyo Cabdulqaadir Cumar Maxamuud wuxuu idaacadda ka bixi doonaa 2:30-3:30 galabnimimo xilliga saacadda Geeska Afrika.
Radio Muqdisho oo la aasaasay 1951-kii sagaal sano ka hor xornimadi Soomaaliya waxaa ka bixi jiray afafka Talyaaniga, Sawaaxili, Carabi, Amxaari iyo afaf kale.