Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo koox hubeysan ayaa xalay ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha qaybta degmada Heliwaa ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Dagaalka ayaa la sheegay inay ka dhasheen khasaarro kala duwan.
Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Kaaraan Daa’ud Dalmar, ayaa ku dhaawacmay is hor imaadka u dhaxeeyey Ciidamada Ammaanka degmadaasi iyo kooxaha hubeysan.
Ciidamada booliska degmada Kaaraan ayaa iyana dilay mid kamid ah kooxdii la dagaalantay, halka mid kalana ay dhaawaceen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska hor imaad adag ay kala kulmeen Ciidamadda ammaanka kooxdii Burcadda ahayd.
Dhanka kale Ciidanka ammaanka degmada Kaaraan ayaa soo qabtay ciyaal weero, kuwaas oo shacabka ku nool degmada Kaaraan ay ka cabteen marar badan