Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday kenyaanka in ay ilaaliyaan guulaha la gaaray sanadkii dhammaaday ee 2021-ka inkastoo oo uu sheegay inay caqabado jireen.
Xilli uu xalay jeedinayay dhambaalka sanadka cusub ee 2022-ka, ayuu shacabka kenyaanka ah ku boorriyay in hoggaamiyaha ay doortaan uu noqdo mid caddaaladeed oo aynan ku dooran magac kaliya.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadweynaha aysan hoggaamiyaha ku dooran siyaasad balse ay ku xushaan mustaqbalka jiilka dambe waxa uu uga tagi lahaa.
Mr. Kenyaatta ayaa rajeeyay in sanadkan cusub ee 2022-ka uu nasiin doono rajo ka wanaagsan midkii tegay ee 2021-ka.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay noqon doonto mid ka wanaagsan sanadkii dhammaaday.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa soo hadal qaaday guulaha uu maamulkiisu gaaray 9-kii sano ee ugu dambeeyay, isagoo tusaale u soo qaatay guulihii laga gaaray dib u dhacyada dhanka kaabayaasha dhaqaalaha, helista daryeel caafimaad oo jaban iyo dhanka amniga.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu wax badan ka beddelay fududeynta ganacsiga dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sanadka cusub uu qaranka ku sii dhawaan doono dhaqangelinta adeegga caafimaadka guud ee loo yaqaano UHC, iyadoo loo marayo barnaamijyada kala duwan ee la hirgeliyay.
Waxaa uu ugu dambeyn sheegay in dhowr mashruuc oo dowladeed la dhameystiri doono sanadka cusub.
Home Wararka Kenya Uhuru kenyatta “Waxaan kenyaanka ku boorrinayaa inay doortaan hoggaamiye wanaagsan”