Maadxweyne Uhuru Kenyaatta oo fariinta sanadka cusub ee caawo bilaabanaya la wadaagay Kenyaanka

0
863

Sannadka cusub wuxuu qof walba oo Kenyaan ah siin doonaa 365 maalmood oo ay kaga sheekayn doonaan guul iyo guul-darro. Qaran ahaan annaga ayay nagu xiran tahay in aan meel ku qorano marxaladaha aan ku wajahayno sanadka 2022-ka, annagoo hubinayna in maalin kasta aan Kenya wanaajinno – Madaxweyne Uhuru Kenyatta
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay in sanadka cusub la adeegsan doono wadada weyn ee Nairobi Express jalka sido kale la dhameystiri doono wadooyiinkan kala ah Kisumu-Mamboleo, Eldoret Bypass, Waddada Kenol-Marua, Waddada James Gichuru-Rironi iyo Waddada Mau Mau .
Dhanka kale madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay in imtixaanada qaran sida KCPE-da ee dugsiga hoose dhexe iyo KCSE-da dugsiga sare la sameyn doono bilaha seddaxaad iyo afaraad ee sanadka 2022-ka.
Sido kale bilaha Novermber iyo Dec ayaa la sameyn doona imtixaanada shahaadiga qaran ee dalka KCPE iyo KCSE-da .
Waxaa uuna noqon doona mid aad iyo aad ardayda ugu dheer.