Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in uu socdo diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0
376

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu socdo diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu furmi doono Shirka, islamarkaana inta badan Madaxda maamulada ay soo gaareen Muqdisho.
Warka ayaa lagu yiri;
Waxaa socdaa diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmayo maalmaha innagu soo aaddan.
Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.
Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here