DHAGEYSO:Maamulka Hirshabeelle oo ka hadlay dagaalkii xalay Beledweyne ka dhacay

0
754

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa looga hadlay dagaal xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, oo dhexmaray Ciidamo la socday wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan oo War-saxaafadeedka Akhriyay ayaa sheegay in kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Wasiirro Hirshabeelle ka Tirsan iyo saraakiil ciidan ay waddada u galeen koox Maleeshiyaad uu ku sheegay.