Raila oo ka qayb galaya kulan ka socdo Kakamega

0
781

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ku sugan fagaaraha Bukhungu ee ismaamulka Kakamega halkaaso lagu qabanaya kulan siyaasadeed oo looga gol-leeyahay in lagu mideeyo shacabka ku nool gobolka galbeedka ee wadanka.
Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli oo ka mid ah qabanqaabiyaasha shirka ayaa sheegay in kulanka ay taageero ugu muujin doonaan ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo markii shanaad doonaya inuu u tartamo xilka madaxtinimo.
Atwoli ayaa hoosta ka xarriiqay in qowmiyadda ku nool galbeedka ay go’aansatay inay taageerto Raila Odinga si haddii uu ku guulaysto loolanka ay uga dhex muuqdaan maamulkiisa.
Waxaa kulanka ka maqan madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula oo musharraxiin kula kulmaya dowlad deegaanka Trans Nzoia .
Ammaanka goobta uu shirka ka socdo ayaa si wayn loo adkeeyay waxaana la filaya in mas’uuliyiin kala duwan ay halkaasi ka jeediyaan khudbado ay ku soo jiidanayaan shacabka.