William Ruto oo mar kale cambaareeyay dhibaateyn loo gaystay Dennis Itumbi

0
772

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo shalay isbitaalka Nairobi West ku booqday agaasimaha istaraatiijiyadda dijitaalka ee xafiiskiisa Dennis Itumbi ayaa mar kale qaab qoraal ah ku cambaareeyay jirdil loo gaystay sarkaalkan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Dennis Itumbi oo ka mid ah dadka sida wayn u isticmaalo baraha bulshada laga afduubtay ismaamulka Kiambu.
David Itumbi oo ay walaalo yihiin ayaa sheegay in isbitaal loo dhigay dhaawacyo la gaarsiiyay.
William Ruto ayaa ciidamada ammaanka ku eedeyay inay dhibaateeyeen muwaadin la doonayay inay badbaadiyaan.
Qoraallada Ruto ee barta Twitter-ka waxaa qayb ka ah in falkan Dennis Itumbi lagula kacay ka dib markii aan lagu guulaysan hanjabaado iyo cabsi gelin.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xusay in dhakhaatiirta ay ku war geliyeen in bukaanka uu muddo bil ah isbitaalka ku sii jiri doono.
Waxaa uu tilmaamay in bilooyin kooban gudahood looga gudbi doono waxa uu ugu yeeray kibirka ,xaqiraadda iyo falal dambiyeedyada aan la isula xisaabtamin.
Itumbi ayaa dhibaatada soo foodsaartay ku eedeyay saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda oo sida uu hadalka u dhigay dhibsaday dhaliil uu ugu jeediyo baraha bulshada.
Hasa ahaate waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sheegtay inay dhacdadaasi baaritaano ku hayso oo cidii wax ka og laga doonayo inay laamaha ammaanka la wadaagto.