Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa magacyada 5 qof oo uu u soo xushay inay ku biiraan guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee KNCHR ku wareejiyay baarlamaanka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa doonaya in haddii la ansaxiyo Roseline Doreen Adhiambo ay noqoto guddoomiyaha guddiga halka Prof. Marion Mutugi Wanjiku, Dr. Raymond Plal Sang Nyeris, Ms. Sarah Talaso Bonaya iyo Dr. Dennis Nyongesa Wamalwa ay ku biirayaan xubnaha guddiga KNCHR.
Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Moses Cheboi ayaa magacyada saraakiishan ku wareejiyay guddiga qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo sharciga ee JLAC si uu turxaan bixin u sameeyo.
Guddiga ayaa laga doonaya inuu baarlamaanka warbixin u gudbiyo muddo 28 cisho gudahood ah oo ku eg 22-ka bisha labaad ee sanadka 2022-ka.