Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa warqad uu soo saaray uga soo horjeestay hanaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka Soomaaliya oo ay horey u ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Fedraalka Soomaaliya sidoo kalena uu saxiixay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo aan loo gudbin Aqalka sare.
Qoraalka kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka sare ayaa waxaa lagu sheegay in lala socdo Xeer Madaxweyne oo lagu soo saaray 7 xubnood oo lagu tilmaamay inay kamid yihiin 9-ka xubnood ee Golaha Addeega Garsoorka laguna soo daray guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Xeer ilaaliyaha guud tallaabadaasna ay tahay mid sharci darro ah.
Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu sheegay in Golaha Shacabka 22-kii Bishii November ee 2020 uu u soo diray Aqalka sare qaraar uu kusoo ansixiyay 7 Xubnood oo kamid noqonaya Golaha Addeega Garsoorka kuna jiraan guddoomiyaha Maxkamadda Sare & Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.
Gudoomiyaha aqalka sare ayaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay oo aad u dheer waxaa lagu Tilmaamay inay sharci darro tahay hanaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka dalka.
Ugu dambeyn Gudodomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerka kasoo baxay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ee lagu magacaabay xubnaha Golaha addeega Garsoorka uusan laheyn wax raad sharci ah oo ay ku howlgeli karaan sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha & Xukuumadda inay joojiyaan waxa u uku tilmaamay ku xadgudubka qodobo dastuuri ah.
Home Wararka Soomaaliya Guddoomiyaha aqalka Sare oo ka soo horjeystay xeer madaxweynaha Soomaaliya saxiixay