DHAGEYSO:Raila Odinga oo socdaal ku tagay Narok

0
666

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ku sugan ismaamulka Narok isagoo shacabka dowlad deegaankaas ku nool ugu baaqay in ay taageeraan hindise sharciyeedka BBI ee la doonayo in lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka.
Waxaa wehelinaya siyaasiyiinta ismaamulkaas iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo keymaha Keriako Tobiko.
Mr. Odinga oo hadal kooban ka jeediyay kaniisadda Rotian CCI ee ismaamulka Narok ayaa hoosta ka xarriiqay in cudurka COVID-19 uu saameyn ballaaran ku yeeshay dalka .
Waxaa uu xusay inuu rajeynayo in mar dhow laga gudbi doono caabuqa corona.

Waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho madaxda iyo dadweynaha Narok.
Hindise sharciyeedka BBI ayaa ilaa iyo hadda waxaa ansaxiyay wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada Siaya, Kisumu , Homa Bay iyo Migori halka laga diiday Baringo.
Dastuurka Kenya waxaa ku cad in xubnaha ugu yaraan 24 ka mid ah golayaasha 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay ay codkooda ku taageeraan qorshahan si loogu gudbo tallaabada xigta.