Wasiirka maaliyadda dalka oo sheegay in doorashada guud aysan saameyn ku yeelan doonin dhaqaalaha

0
528

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yatani ayaa ku adkaystay in doorashada guud ee lagu wado inay qabsoonto bisha Siddeedaad ee sanadka soo socda ee 2022-ka aysan saameyn taban ku yeelan doonin dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu ugu baaqay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka IEBC in ay si hufan u maareeyaan lacagaha islamarkaana ay yareeyaan luminta kheyraadka, si kenyaanka ay uga faa’iideysataan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in cudurka COVID 19 uu saameyn ku yeeshay kobaca dhaqaalaha tan iyo markii uu dalka laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Covid19.
Hasa ahaatee waxaa uu sheegay in hadda koboca dhaqaalaha uu kor u kacay boqolkiba 10.
Waxaa uu intaasi ku daray in wali khatarta fayraska Corona ee taagan tahay.
Sidoo kale waxa uu ka digay in haddii xayiraado hor leh la soo rogo ay wax u dhimayso dhaqaalaha dalka.