DHAGEYSO:Aadan Barre oo taageeridda BBI shardi ku xiray

0
685

Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay si ay taageero ugu muujiyaan hindise sharciyeedka BBI inay khasab tahay in waqooyi bari lagu kordhiyo labo deegaan baarlamaneed.
Waxaa uu dalbaday in deegaannada Ijara iyo Koonfurta Wajeer mid kasta labo deegaan loo qaybiyo.
Ducaale ayaa xusay in sababtii ay u taageereen dastuurka hadda wadanka u degsan ay ahayd maxkamadda qaadiga oo ay hadda doonayaan in mid sare laga dhigo iyo nidaamka dowlad wadaajinta.