Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in koox Hubaysan ay labo Haween ah Toogteen kadibna Goobta isaga baxsadeen.
Falkaan dilka ah ayaa waxaa uu saaka waabarigii hore ka dhacay xaafada Warlaliska ee degmada Dayniile, waxaana la dilay laba haween ah halka laba kalena ay dhaawacyo culus soo Gaareen.
Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday haweenkaan oo Afar ahaa xilli ay raacayeen mooto Bajaaj kuna sii jeedeen goob ay ka Shaqeeyaan, iyadoo kooxdii falkaasi ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in labada Haweenka ah ee geeriyooday ay xaamilo ahaayeen, waxaana goobta ka qaaday meydkooda ehelladooda lagu wargeliyay in la dilay.
Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkaas, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in haweenkan la dilay ay nadaafad ahaan uga shaqeenayeen Wasaarada Gaashaandhiga ee dowlada Fedraalka Soomaaliya.
Maamulka degmada Deeyniiile ee gobolka Banaadir weli kama hadlin weerarka dilka iyo dhaawaca loogu geystay Haweenka, iyadoo lamaha amniga degmadaas ay wadaan howlgallo ay ku badi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas naxdinta leh.