Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa ugu baaqay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto in ay dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhexeyso.
Mr .Ducaale ayaa sheegay in labaduba laga doonaya in ay ka heshiiyaan khilaafka siyaasadeed ayaga oo u daneynaya dalka.
Xilli uu ka hadlay deegaanka uu baarlamaanka ku matalo ee Garissa Township ayuu sheegay in kala duwanaanshaha baaxadda leh ee u dhexeeya labada hoggaamiye uu si tartiib ah u saameynayo socodsiinta howlaha dowladda, gaar ahaan adeegyada wax ku oolka ah oo la siinayo muwaadiniinta.
Xildhibaanka ayaa dhanka sheegay in labadoodaba ay saaxiibo ahaayeen isla markaana aysan jirin sabab aysan u heshiin karin.
Waxaa uu ka codsaday madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto in ay fariistaan islamarkaana si sharaf leh ay u xalliyaan khilaafaadkooda iyagoo wax kasta ka hormarinaya danta dalka iyo dadweynaha.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu doonaya in labada hoggaamiye ee ugu sarreeya dalka in ay maskaxdooda dib ugu celiyaan waayihii hore oo ay isku dayaan in ay mar kale wada shaqeeyaan.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye ay kala qeybsanaan u horseeday xisbiga talada haya labadii sano ee la soo dhaafay.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sheegay in aynan suuragal ahayn in qof maamul dowladeed oo uu ka tirsan yahay uu dhaliilo sidaas awgeedna hadii uunan ku qanacsanayn uu xafiiska baneyn karo.
Home Wararka Kenya Aadan Barre oo ugu baaqay madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa inay xalliyaan...