Ugu yaraan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen ka dib markii baabuur dhowr ah oo shidaal siday ay ku gubteen wadanka Afghanistaan.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay meel aan sidaa uga fogeyn xadka dalkaasi uu la leeyahay Iiraan.
Waxaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay Waheed Qatali oo ah guddoomiyaha gobolka galbeed ee Herat.