Maxay kawada hadleen maanta rw Rooble iyo midowga musharrixiinta Soomaaliya?

0
373

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay kulan Maanta Xarunta Madaxtooyada ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee dalkaasi Maxamad Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan Midowga Mushartaxiinta Madaxweynaha.
Macalimuu oo Qoraal uu soo saaray ku sheegay in kulanka looga hadlay dardar-gelinta iyo hufnaanta doorashooyinka, tabashooyinka jira ka hor shirka lagu wado in uu 27-ka bishan Muqdisho uga furmo Golaha Wadatashiga Qaranka.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macalimuu ayaa sidoo kale tilmaamay in Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble uu kulamo kale la qaadan doono qaybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan Ururrada Bulshada Rayidka.
Ra’iisul Wasaaraha ayuu sheegay Macalimuu inuu Ururrada Bulshada Rayidka ka dhageysan doono talooyin ku aadan doorashada dalka ka hor shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Isniinta soo socota ka furmaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Dhanka kale Qoraal kasoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ay uga wada hadleen dardar gelinta geeddisocodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka Soomaaliya.