Morocco oo ilaa dhammaadka bisha koowaad ee sanadka 2022-ka ku jiraysa xaalad degdeg

0
481

Waxaa ilaa 31-da bisha koowaad ee sanadka soo socdo dalka Morocco ka jiri doonto xaalad degdeg ah oo lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID-19.
Wakaaladda wararka ee dalkaasi ayaa ku warramaysa in shalay la kordhiyay muddada uu sii shaqeynayo amarkii lagu soo saaray xaaladdan.
Tani ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sare u kaceen kiisaska caabuqa corona ee laga diiwaangelinayo gudaha Morocco.
Waxaa ilaa iyo hadda wadankaasi laga xaqiijiyay ugu yaraan 953,724 oo ah xaaladaha cudurka COVID-19.
Isniintii ayay ahayd markii ay dowladda Morocco mamnuucday dabbaal degyada sanadka cusub iyo xafladaha gaarka ah ee lagu qabto maqaayadaha iyo goobaha dalxiiska.
Dhammaadka bishan waxaa dalkaasi ka dhaqan galaya bandow shaqeyn doono inta u dhexeysa saqda dhexe ilaa 6-da aroornimo ee koowda bisha Jannaayo ee sanadka dambe si loo xoojiyo tallaabooyinka ka hor tagga u ah faafitaanka fayraska corona.