Sharci-dajiyayaal xulafo la ah Ruto oo guul weyn ku tilmaamay hakinta hindise sharciyeedka wax ka bedelka xisbiyada siyaasadda

0
346

Sharci-dajiyayaal xulafo la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in hakinta hindise sharciyeedka wax ka bedelka xisbiyada siyaasadda ee sanadka 2021-ka ay guul weyn u tahay shacabka Kenyaanka ah.
Sylvanus Osoro oo ah xildhibaan laga soo doortay koonfurta Migirango ayaa sheegay in mudanayaasha ka soo horjeeda sharcigan ay ka soo horjeedaan in xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ka jiro laga dhigo isbeheysiyo tani oo suurtagelinaysa inay qaybsadaan dhaqaalaha ka dhexeya.
Mr Osoro ayaa sheegay in aysan taageeri doonin hindise sharciyeedka lagu wiiqayo xuquuqda dadka Kenyaanka ah, isagoo meesha ka saaray sheegashada ah in arrintaasi ay muujineyso awood.
Senetarka ismaamulka Nakuru Susan Kihika ayaa dhankeeda sheegtay in hindise-sharciyeedkan aan la raacin habraac saxda ah iyadoo sabab uga dhigtay in aan laga qeybgalinin dadweynaha.
Guddoomiye ku xigeenka golaha qaran ee xeer dejinta Moses Cheboi ayaa dib u dhigay ansaxinta hindise sharciyeed muran dhaliyay.
Tan ayaa timid ka dib markii guddoomiyaha baarlamaanka Moses Cheboi uu hakad geliyay doodda ka dib markii xildhibaanada ay si wayn ugu kala qaybsameen oo ay xakameyntooda adkaatay.
Siyaasiyiinta taageersan heshiiskii madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa Cheboi ku eedeyay inuusan arrinkan dhexdhexaad ka noqon.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa shaaciyay in doodda mar kale la qaban doono ka hor dhammaadka sanadkan ka dib marka hoggaanka baarlamaanka uu wada tashi sameeyo.