Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ee la geliyay qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da ay boqolkiiba 67 yihiin kuwo aan qaadan dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah caabuqa corona.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Patrick Amoth ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Dr. Amoth ayaa walaac ka muujiyay inay weli hooseyso qaadashada dawooyinka tallaalka.
Waxaa uu dhanka kale xusay in dowladdu ay xoojinayso tallaabooyinka lagula tacaalaya sare u kaca ku yimid xaaladaha cudurka ee gudaha dalkani Kenya.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in amarkii ahaa in dadka aan qaadan tallaalka COVID-19 uu dhaqan galay .
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Mercy Mwangangi ayaa hoosta ka xarriiqday in qaadashada tallaalka aynan khasab ahayn balse cidii aan sameyn aysan u suurtageli doonin in loo fidiyo adeegyada muhiimka ah .