Baarlamaanka oo ansaxiyay xeer ku saabsan macaashka laga helo falal dambiyeedyada

0
596

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansaxiyay isbeddel lagu sameeyay hindise sharciyeedka la xiriira lacagaha laga macaasho falal dambiyeedyada iyo khiyaanada maaliyadeed.
Xeerkan ayaa qeexaya xarunta lagu gudbinayo warbixinnada dhanka maaliyadda ee (FRC).
Sidoo kale waxaa ku cad in maamulka qaabilsan dib u soo celinta lacagaha la dhacay uu xannibaad saari karo akoonnada laga shakiyo.
Xayiraadda ayaa shaqeynaysa muddo shan cisho ah inta baaritaano looga sameynaya halka laga keenay lacagtaasi.
Waxaa hadda la sugayaa in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu xeerkan qalinka ku duugo si uu u dhaqan galo.
Baarlamaanka ayaa sidoo kale meel mariyay magacaabidda Anthony Mwaniki Muchiri si uu u noqdo guddoomiyaha guddiga adeegga dadweynaha ee (PSC) .
Sidoo kale xildhibaanada waxay ansaxiyeen in Caroline Naikena iyo Thomas Okoth Oyier ay xubno ka noqdaan guddiga qaran ee jinsiyadda iyo sinnaanta in kastoo madaxweynaha dib loogu celin doono.
Dhanka kale aqalka sare ee dalka ayaa shalay dhinac iskaga dhigay isbeddelo lagu sameeyay hindise sharciyeedka lacagaha la siiyo dowlad deegaanada .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha hoggaamiyaasha ismaamullada ee COG uu dhawaan walaac ka muujiyay qaab uu jaangooyay maamulka qoondeynta dakhliga ee CRA.
Barasaabyada ayaa ku doodaya in dhaqaalaha ay dowladda dhexe siiso aynan ku filnayn in si buuxda loo fidiyo adeegyada dadweynaha ku nool deegaanada hoose ee wadanka.