DHAGEYSO:Gorma ayay ahayd wakhtigii kugu horeeyay ee raadiyo dhageysato?

0
658

Iyadoo maanta dunida iyo dalka laga xusaya maalinta raadiyaha adduunka, waana maalin sida ay sheegayso hay’adda qaramada midoobey ee tacliinta iyo hiddaha ee UNESCO loo asteeyay in la maamuuso raadiyaha.
Maalinta raadiyaha waxaa la qabtaa sanadkiiba mar, qaramada midoobey oo maalintan u asteeysay ama ugu talo gashay in la dhiirigeliyo ahmiyadda raadiyaha
Xuska sanadkan ayaa hal ku dhig waxaa u ah in raadiyuhu uu noqdo mid sare u qaado wada-noolaansho nabdoon.
Dhanka kale guddoomiyaha golaha qaran ee suuq gaynta xoolaha nool kana mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Camey oo ka hadlay maalinta raadiyaha aduunka ayaa inoo sharaxay wakhtigii ugu horreysay oo uu raadiya dhagaysto iyo waxyaabihii uu ka faa’iidaystay.
Waxaa uu sido kale u mahadceliyay idaacadda Star Fm oo uu ku amaanay inay shaqo fiican u hayso bulshada ay u adeegto.