Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa tilmaamaysa in boqolkiiba 78 ee dadka ku nool dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ee AU-da ay sheegeen inay diyaar u yihiin in la siiyo dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa warbixinta laga soo saaray daraasaad uu sameeyay iskaashiga caddeynta ku saleysan ee looga falcelinayo cudurka ee (PERC).
Cilmi baarista ayaa laga sameeyay ilaa 19 waddan in kastoo warbixintii bishii hore ay muujinayso in wax ka yar boqolkiiba 7 ee dadweynaha qaaradda Afrika cudurka laga tallaalay.
PERC ayaa dhanka kale walaac ka muujisay sinnaan la’aanta qaybsashada tallaalka ee dunida.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii rabitaanka dadweynaha ee tallaalka lagu sheegay boqolkiiba 67.
Warbixinta waxay soo jeedisay muhiimadda ay leedahay in la qaado tallaabooyin ka hor tag ah si gaar ah sare u qaadidda isticmaalka afxirka iyo kala fogaanshaha.
Dhanka kale agaasimaha xarunta Afrika ee ka hor tagga iyo xakameynta cudurrada John Nkengasong, ayaa sheegay inay khasab tahay in lagu dadaalo sidii qaaradda Afrika ay si la mid ah waddamada kale ee caalamka ugu heli lahayd tallaal wax ku ool oo ku filan.