WHO oo ku baaqday in la iska kaashado cirib tirka COVID-19

0
235

Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inay khasab tahay in dowladaha caalamka ay ka wada shaqeyaan sidii sanadka 2022-ka loo cirib tiri lahaa cudurka COVID-19.
Waxaa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in la qaato go’aammo adag si arrinkan loogu guulaysto.
Madaxa WHO oo warbaahinta kula hadlay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa yiri” waa khasab in 2022-ka aan ka gudubno caabuqa corona”
Iyadoo uu nagu soo fool leeyahay dabbaal degga Christmas ayuu dhanka kale agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO dadweynaha ku boorriyay inaynan hilmaamin halista cudurka oo ay si aad ah u taxaddaraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here