Booliska Homa Bay oo oo baaraya dhimashada arday fasalka afraad dhiganayay

0
393

Ciidamada booliska dowlad deegaanka Homa Bay ayaa baaritaano ku samaynaya dhacdo sababtay dhimashada arday ahaa fasalka afraad oo sababo aan la garanayn ugu geeriyooday tuulada Kopiyo ee bariga ismaamulkaasi.
Wiilka ardayga ahaa oo magaciisa lagu sheegay Philip Olero kana mid ahaa ardayda wax ka baranayay dugsiga sare ee Kilusi ayaa maydkiisa laga helay subaxnimadii hore ee maanta guriga ayeydiis oo uu seexday.
Sida laga soo xigtay maamulka dugsiga maydka ardayga waxaa helay saaxiibkiis oo ugu tagay inay shaqo u aadaan meel duleedka tuulada ah.
Maamulka ayaa sheegay in maydka ardayga ay ka muuqdaan dhaawacyo taasoo keentay shakiga la xiriira waxa sababay dhimashadiisa.
Taliyaha ciidanka booliska ee deegaankaas Justus Kucha ayaa xaqiijiyay dhacdadan wuxuuna sheegay inay bilLaabeen baaritaanada ku aadDan dhacdadan.
Maydka ardaygan ayaa la geeyay qaybta maydadka lagu kaydiyo ee deegaanka Rachuonyo si baaritaano loogu sameeyo.