Xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka waqooyiga Laikipia Mathew Lempurkel ayaa lagu siidaayay damiin lagaceed oo gaaraysa boqol kun oo shilinka dalka ah inta go’aan laga soo saaraya racfaaan uu maxkamada u gudbiyay.
Xildhibaankaan hore ayay maxkamadu shanti bishii 11-aad waxay ku xukuntay xabsi hal sano ah kadib markii lagu eedeeyay inuu weerara xildhibaanada waqooyiga Laikipia Sarah Koreere xili ay ku sugnaayeen xarunta Harambee House ee magaalada Nairobi 21 bishii November sanadkii 2016-kii.
25-kii November ee sanadkaan ayuu markale maxkamada geeyay racfaanka uu kaga soo horjeedo xukunka lagu riday.
Qareenkiisa ayaa ku doodaya in maxkamadu aysan ku saxsanayn xukunka ay mudanahaan hore duldhigtay maadaama sida uu sheegay ay cadaymuhu muujiyeen inay xildhibaanada Korere ahayd qofkii gardaraa ama khaladka lahaa.
Xildhibaanka ayaana doonayay inay maxkamada sare ku siidayso damaanad ayadoo la sugayo dhagaysiga iyo go’aan ka gaarida racfaankiisa