Wasaarada caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay 1,020 xaaladood oo cusub kuwaas oo la xiriira cudurka Covid 19 kadib markii baaritaano lagu sameeyay dheecaanka 3,444 qof guud ahaan dalka 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Wasaarada ayaa sheegtay in sare u kaca xaaladaha cudurka ee gudaha dalka ay marayaan 29.6 boqolkiiba.
Guud ahaan dadka cudurka uu haleelay dalka oo dhan ayay hada tiradoodu gaadhay 264,727 halka dadka baaritaanada lagu sameeyay ay gaarayaan 2,933,764.
Kiisaska Cusub 906 waa kenyan halka 114 ay ajaanib yihiin,xaga jinsiyada 534 ayaa rag ah dumarkuna waa 486 qofka ugu yar waa cunug hal bil jira halka qofka ugu weyna uu 95 sano jiro sida ay wasaarada caafimaadka ee dalku sheegtay.
Dowlad deegaanada xaaladahaan ugu danbeeya laga diiwaangaliyay hadaan eego ismaamulka Nairobi hogaaminaya waxaana laga diiwaangaliyay 669, Kiambu 122, Kajiado 42, Kericho 36, Nakuru 18, Tharaka Nithi 17, Kwale 13, Murang’a iyo Siaya min 12, Meru iyo Laikipia min 8, Homa Bay, Machakos, Kitui iyo Migori min 7, Baringo iyo Kilifi min 6, Garissa 4, Nyeri, Embu iyo Kakamega min 3, Kisumu, Mombasa iyo Narok min 2, halka dowlad deegaanada kala ah Trans Nzoia Kisii, Turkana iyo Makueni min 1 qof laga diiwaangaliyay.
Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in 19 bukaan ay cudurka ka soo bogsadeen kuwaasoo 5 ka mid ah ahaayeen dadka guryaha lagu daryeelay 14 ka mid ahna xarumaha caafimaadka ayaa laga saaaray.
wadarta guud ee dadka cudurka ka soo kabsaday waa 249,315 sida ku cad warbixintii ugu danbaysay ee ay maanta soo saartay wasaarada caafimaadka dalka.
Ma jiraan wax dhimasho cusub oo maanta la shaaciyay tirada dhimashada ayaana wali maraysa 5,353.
16 bukaan ayaa ku jira qaybta xaalada deg dega ah ee ICU waxay kuwaasoo 7 ka mid ah ay neefcaawiye qaadanayaan.
Wasaaradda caafimaadka dalka ayaa sidoo kale sheegtay in dadka qaatay talaalka ka dhanka ah cudurka covid 19 ay yihiin 8,902,539 guud ahaan dalka.
Dowladda ayaa qorshaynaysa in ugu danbayn dhamaadka bishaan ay cudurka ka talaaasho ugu yaraan 10 milyan oo qof guud ahaan dalka.